Booliska Jabuuti oo xiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Jabuuti(Dhageyso)
December 31, 2015 - Written by EditorJabuuti:-Dowladda Djibouti ayaa shalay xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Dhjibouti.
Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay.
Waxa uu sheegay inay ka walaacsan yhn xaaladdiisa caafimaad madaama weli aanu bogsoon oo uu baahan yahay dhaqtar in uu arko maalin walba.
Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 32 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xidhay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalinti isniinti 21-kii December 2015 ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Balbala kuwaas oo dadna ay ku naf waayeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Xeer ilaaliyaha waxaa wareystay Weriyaheena Djibouti Ramadan Muuse
Jamaal Axmed Cismaan ayaa isna wareystay Daahir Axmed Faarax.
VOASomalia