Dufcadii 1aad ee ka qalin jabisa College-ka Barashada Culuuta technologyada iyo Computerka ee Laascaanood[Masawiro]
December 5, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Dufcadii 1 aad ee ka qalin jabisa College-ka Barashada Culuuta technologyada iyo Computer ka ee magaalada Laascaanood ayaa munaasabad ballaadhan loo qabtay ardaydaan qalin jabisay ayaa ahaa 160 arday oo isugu jira wiilal iyo hablo .
Munaasbad si heer sare loo soo agaasimay ayaa loo qabtay ardaydaani ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan magaalada Laascaanood. Maamulaha Shirrkada Sahal Software faraeeeda laascanood iyo Gudoomiyaha guud ee Shirkada Sahal Software Eng. Maxamed Jama Sahal ayaa fah faahin ka bixiyey guud ahaan adeegyada Sahal Saftware .
Intii uu klanku socday waxaa lagu soo bandhigay waxqabdka iyo horuamrka uu College ka Sahal Software xarumihiisa kala duwan ee Somalia uu u hayo Ummada Soomaaliyeed ,iyadoo hawsha uu hayo.
Maamulaha College Sahala Software xarunta 1 aad ee Laacaanood Maxamed Guray Faarax ayaa sheegay in Collegkan Sahal Software uu laascaanood ka manta ay ka qalin jabiyeen 160 arday , dhamaan ardaydaa oo si wanaagsan ay u barteen cilmiga Computerka , ayna ka mid yihiin hantida gobolka Sool iyo Nawaaxigiisa , isla markaan uu taagn yahay horumarinta bulshada ku dhaqan gobolka Sool iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.
Eng. Maxamed Jaamac Sahal oo ah Gudoomiyaha guud ee Shirkada Sahal Software Somalia ayaa sheegay in Bahda Sahal Software ay mar walba u taagn yihiin Ummada Soomaaliyeed sidii ay uga haqabtiri lahaayeen Hubka manta dunidu ku dagaalanto oo ah Aqoonta Casriag ah ee Technology yada iwm .
‘Sida aynu wada ognahay Ummada Soomaaliyeed wax walba dibadaa looga keenaa , wax walbana waa laga iibiyaa , Computer ka iyo dhamaan unugyada (Softwares)iyo waxyaabaha (Programs) uu ku shaqeeyo waxaa loogu keenaa dibada , waana laga iibiya.
Dhamaan waxyaabha uu ka kooban yahay Computerku waxaa sameeyay oo hinidisay qof aadame ah oo horay u bartay , hadii aanu nahay Bahda Sahalsoftware meel kastoon aanu joogno waxaan bulshada Soomaaliyeed baraynaa Cilmiga Dunidu manta isku guumaysto oo lakal iibiyo ‘ ayuu yidhi Eng. Maxamed Jama Sahal .
Ugu danbayntii , markii ay soo dhamaatay xafladi waxaa la gudoonsiiyay ardaydii qalin jabisay shahaadooyin .
no images were found
Hoos ka Daawo dufcadii 1aad ee ka qalin jabisa College ka barashada Culuumta technologyada iyo Computerka ee Magaalada Laascaanood
Laascaanood, Halgan.net