Furitaankii Nadwada 8aad ee ka socta magaalada Garoowe Masjidka Al-Huda(Dhageyso)
December 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa idiin soo gudbineynaa furitaanka nadwo cilmiyeedkii 8aad taas oo si habsami leh uga socota Masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Nadwada ayaa waxaa soo qaban qaabisay Mu’asasada al-Minhaaj faraceeda magaalada Garoowe waxayna bilaabatay xalay 19-Dec-15 taas oo la qabto sanadkiiba mar.
Nadwadan oo mu’asasada al-Minhaaj ugu magac dartay(من دار الغرور الى دار القرار), waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda dawladda Puntland iyo culumo soomaaliyeed oo ka kala yimi dhamaan gobollada Soomaaliya.
Waxaa nadwada si live u tabinayey Radio Halgan Live iyo Radio Xikma oo u taagan mar walba in ay faafiyaan khayrka iyo nadwooyinka culumadeena ku qabtaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.
Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tabin doona Muxaadarada uu jeedin doono Sh Maxamed Cabdi Umal oo socdaal dacwo ku jooga dalka Tanzania ,Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .
Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.
Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin
no images were found
Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma
Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Hoos Ka Dhageyso Furitaankii Nadawada 8aad ee Garoowe iyo Muxaadaradii 1aad ee Sh Suladaan Cabdi Qani Qorane
Maamulka Radio Halgan Live