Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo Colaada Marka iyo Beledweyne

December 14, 2015 - Written by Editor

beledweyneWararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu saaka mar kale dib uga qarxay magaalada dagaal u dhexeeya labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo shalay ku dagaalamay magaalada beledweyne. Illaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyey in dagaalka saaka ay ku dhinteen 4 qof 16 kalena ay ku dhaawacmeen waxaana Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin maleeshiyada labada beeleed ee dagaalka uu ka dhex socdo.

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu ku faafay miyiga duleedka magaalada Beledweyne waxaana uu sababay barakac balaaran.Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka fitanta ah ee ka dhex socda laba beel ee oodwadaaga ah.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaalka ka socda magaalada Beledweyne ay ilaa shalay iyo maanta ay ku dhinteen 20 qof halka dhaawaca uu sii marayo 55 qof.

Dhanka kale Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ugu baaqday beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Marka iyo Beledweyne in ay alle ka baqaaan oo ay joojiyaan dhiiga muslinka oo ay micno darada ku daadinayaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka codsaday waxgaradka Nabadoonada iyo Culumada Soomaaliyeed in ay u istaagaan joojinta dagaalada Fitanta ah ee ka socda Marka iyo Beledweyne .

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay madaxda DFS iyo kuwa Maamulada kale ee dalka ka jira ay qaataan Masuuliyadooda saaran ayna u kacaan joojinta colaada ka soo cusboonaatay Marka iyo Beledweyne.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online