Hey’adda Sirdoonka DFS oo soo Bandhigtay Iran ay Qabteen oo Shiico Faafinayey (Masawiro)

December 27, 2015 - Written by Editor

IranWar saxaafadeed ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixisay howlgalo ka dhan ah kooxo ka faafinayey madhabka baadilka ah ee Shiicada waxaana ay gacanta ku dhigeen rag ka soo jeeda dalka Iran iyo Soomaali.
Howl galkan ay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka fulisay maalintii Khamiista ayaa waxaa ay ciidanada NISA gacanta ku dhigeen dublamaasiyiin Iiraan ah waxaana ay kala yihiin Muxsin Xuseen iyo Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin, waxaana la soo bandhigay baasabooradooda iyo macluumaadka barnaamijka ay wadeen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska NISA ayaa waxaa lagu faahfaahiyey raga la qabtay iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Shiicada ka faafiya dalka Soomaaliya iyo Hay’adda Al-khumeyni oo ka howl gasha magaalada Muqdisho

Warsaxaafadeed ay soo saareen Hey’adda Sirdoonka DFS NISA  ka dib markii ay fuliyeen howlgalo ka dhan ah Faafinta Madhabka shiicada ee Baadilka ah.Hoos ka Akhri

Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.
Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.
Faah Faahin:-
-Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.
– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.
Mas’uuliyiinta Iran
Muxsin Xuseen
Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.
Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.
Gabgabo
Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.
Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah lala. Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.
Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.
Waxaa ku saxiisan qoraalkaan taliyaha NISA ee gobalka Banaadir

Korneel C/xakiin Axmed Farey.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online