Madaxweynaha DFS Dagaalka Beledweyne waa in deg deg loo joojiyaa

December 14, 2015 - Written by Editor

PHOTO_OFFICIAL_2Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka sidda, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan, oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqey inay nabadda ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online