Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliya

December 27, 2015 - Written by Editor

IMG_1131Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 27-Dec-15 hoyga uu ka deggan yahay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxa uuku  qaabilay Safiir Waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliya Maxamed Al-Cutmani.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan kooda wax-yaabihii ay kaga wada hadleen waxaa kamid ahaa xoojinta Xidhiidhka  iskaashi ee qotada dheer ee kadhexeeya  Imaaraadka Carabta iyo Puntland, iyo dardar gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadku  kawado Puntland.

Safiirka Imaaraadka Carabta Maxamed Al-cutmani ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ku ammaanay adkaynta Nabad gelyada iyo barnaamijyada horumarineed ee wax ku oolka ah ee  xukuumaddiisu ay  ku tallaabsatay muddadii labada sano ahayd ee ay xilka haysey, isagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku kawado Puntland welibana uu daba gal dheeraad ah ku samayn doono halka ay marayaan Mashaariicdaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geestiisa uga mahadceliyey booqashadan uu ugu yimi safiirku isagoona ku ammaanay kaalinta weyn ee dhanka horumarka ee Dawladda imaaraadku kuleedahay guud ah dalka soomaaliya isagoona si gaar ah uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku fuliso Puntlad.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  Safiirka ku boorey dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Imaaraadku kawaddo Puntland kuwaas oo wax badan kabadeley xaaladda nabad-gelyo iyo mida horumarineed ee Puntland.

no images were found

Gebe-gebadi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka Imaaraadka Carabta  ku casumey inuu kala soo qayb galo xafladda xadhig kajaridda Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo xarigga laga jari doono 8-January-2015.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online