Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.[Cod/Masawiro]
December 26, 2015 - Written by EditorMadaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu u dhagax dhigay Garoonka diyaaraha caasumadda Puntland ee Garowe waxaana furitaanka goobjoog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ,Gudoomiyaha Barlamanka iyo Suldaan Siciid Maxamed (Suldaan Garaase ).
Waxaa sidoo kale xaflad goobjoog ka ahaa golayaasha dowladda, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Puntland Cabdisamad Cali Shire, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait oo ku deeqay shirkadda dhisaysa Airport-ka, waxaa goobta sidoo kale ka maqneyn ganacsato, odoyaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro.
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed, ayaa furitaankii xafladda sheegay in uu ku faraxsan yahay in la dhagax dhigo garoonka diyaaradaha ee Garoowe isaga ugu baaqay dowlada Puntland in ay wax ka qabtaan dadweynaha ku soo durkaya Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.
Waxaa sidoo kale khudbado dhiiro galina ka jeediyey Gudoomiyaha gobolka Nugal iyo Duqa degmada Garowe iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase waxana uu sheegay suldaanku in dowlada looga fadhiyo waxqabad iyo fududeynta edeega bulshada .
DhismahaGaroonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa socon doona mudo hal sano ah waxaana uu noqon doonaa garoonkii labaad ee Caalami ah oo ay yeelato dowlada Puntland. Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhismaha Garoonka magaalada Garoowe iyaga oo sheegay in ay u fududaan doonto safarkooda iyo imaanshaha deegaanadooda .
no images were found
Hoos ka Dhagayso khudbadii Dhagax dhiga Garoonka diyaaradaha ee Garoowe uu ka jeediyey Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/daahfurKhudbaddii-Madaxeynaha.mp3]M_M Deeq
Halgan.net