Markab siday Agab iyo qalabkii dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo soo gaaray Boosaso
December 14, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa soo gaaray Markab weyn oo lagu magacaabo IDIL oo ay soo kiraystay Shirkadda Shanle Group waxaan uu markabkaan siddaa qalabka lagu dhisayo garoonka diyaradaha ee caasimada Puntland ee magaalada Garowe.
Markabkaan sidday qaabka lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa laga dejiyey qalabki uu siday waxaan loo gudbinayaa magalada Garoowe halkaas oo dhimaha garoonka si dhaqso ah u bilaaban doono waxaan qandaraaska dhismaha garoonka garoowe ku guulay stay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Shiradaan Turkiga ee dhisaysa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa horay u dhiseen garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho iyo Dekedda dalka jabuuti, Qalabka uu Markabkaan siday ayaa waxaa ka mid ah agabyo kale duwan oo sahlaya dhismaha Garoonka ee Garoowe.
Mustafe Shanle oo ka mid ah Masuliyiinta Shirkadda Shanle Group, oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in Markabka siday qalabka garoonka diyadaaraha ee Garoowe isagoo sidoo kale xusay in Markabkaan IDIL uu horay u keenay Shimitada iyo agabka kale ee lagu dhisayo garoonka diyaaraha ee Bosaaso oo maray gabagabo.
Ugu danbayntii ayaa Madaxa shirkada CCECC ee dhisaysa garoonka Bosaso waxaa uu mahad balaadhan u jeediyey Shirkadda Shanle Group oo qayb ka qaatay sahlida qalab iyo agabyo kale oo lagu dhisayo garoonka diyaaradah ee Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net