Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Muqdisho ku booqday dhaawacyadii Gaalkacyo.[Masawiro]

December 11, 2015 - Written by Editor

IMG_6761Muqdisho:-Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke iyo masuliyiin uu hoggaanayo ayaa maanta oo jimce ah booqday Cusbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen shaqaaqooyinki dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle , Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Xildhibaan Liibaan Cabdiraxmaan Cismaan oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan Yuusu, Af-hayeenka Dawladda Puntland Cabdulaahi Quraan-jecel iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u jeedka booqashadoodu ahaa sidii ay xog rasmi ah uga heli lahaayeen dadkii ku dhaawacmay Shaqaaqooyin ka dhacay Magaaalada Gaalkacyo oo Mudisho loo keenay in lagu dabiibo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland iyo masuuliyiintii socdaalkiisa ku wehelisey ayaa soo kormeeray dhammaanba dhaawacyadii labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyagoona warbixino ka dhegeystey dadkii gacanta ku hayey bukaannadaasi iyagoona u sheegay inaanay daryeelkii ay filanayeen aanay ka helin cusbitalka marka laga reebo wax xoogaa dhaymooyin ah welibana dhaawacyada badidooda aan halkaan waxba looga qaban karin.

Wasiirka ayaa intaasi ka dib warfidiyeenka kula hadlay gudaha cusbitalka isagoona sheegay cusbitalku inuu markii hore fiicnaan jirey balse hadda aanu waxba kaga duwanayn cusbitaalada kale ee dalka. “waxaa naloo sheegay cusbitaalku markii hore ee uu cusbaa inuu ahaa cusbitaal wax-qabta oo macne badan leh balse hadda waxba kagama duwana cusbitaalada kale ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka ayaa sido kale ku tilmaamay cusbitalka mid markiisii hor loo han weynaa balse hadda uu hankaasi hungoobey”dadka waxaanu halkaan ugu soo gudbiney waxaanu is lahayn waa cusbitaal Turki oo dadka si wanaagsan wax loogu qabanayo, balse hadda dhaawacyada badidooda halkaan waxba loogama qaban karo macneheedu waxaa weeyaan waa in la helo Badiil” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan halkaan waxba looga qaban ay u raadinayaan meeshii kale ee wax looga qaban karo iyagoo la kaashanayaa wasaaradda Caafimaada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu damaanad qaaday la tacaalidda Dhammaanba dhaawacyadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo Magaalada Muqdisho u jooga hawlo shaqo oo tiro badan ayaa masuuliyiintan u wakiishay inay uga soo warbixiyaan xaaladda dhabta ah ee ay kusugan yihiin dadkii dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kuwaas oo lagu dabiibayo cusbitalka Digfeer.

no images were found

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online