Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo cadeeyey mowqifka Jubbaland.[Dhagayso]
January 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seerraar Maax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka waramay shirarkii kala duwanaa ee wadatashiga ee lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Garoowe kuwaas oo ay madaxda Soomaalida ay uga doodayeen qaabka ay noqonayso doorashada 2016.
Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seerraar Maax ayaa si cad u sheegay in go’aan ka ka soo baxay madasha shirka wada tashiga ee lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho ay lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku taageereen beesha caalamka sidaas darteedna ay madaxda Jubbaland qaadatay go’aankaas walow uu Seeraar xusay in dadka shacabka ee ku nool deegaanada Jubbaland ay codsadeen n deegaan wax lagu qaybsado.
Hoos ka Dhagayso Afhayeenka Maamulka Jubaland Seeraar Cabdinaasir Seerraar Maax
[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/afhayeenka-jubbaland.mp3]Cabdi Yare
Kismaayo