Ciidanka Kenya oo dilay Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo
January 27, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada dalka Kenya ay dileen Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex. Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay maxbuus ahaan u kaxaysteen Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex iyagoo ku eedeeyey in isaga iyo ciidankiisu ay wax ka ogaayeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ciidanka AMISOM ee dalka kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde.
Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaaa waxaa ay ciidanka Kenya ay ku dileen deegaanka Shiidley ee gobolka Gedo, waxaa kale oo wararka qaar ay sheegayaan in sarkaal horay uga tirsanaa ururka Al-shabaab ee ka soo goostay ay ciidanka Kenya ay dileen.
Dhinac kale Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Korneyl Axmed Aadan Xirsi Hufle oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu u xaqiijiyey in ciidanka Kenya ay si bareer ah u dileen Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex oo maxbuus ahaan ay u haysteen.
Ilaa iyo intii ay ururka Al-shabaab ay deegaanka Ceel Cade ku laayeen Ciidanka AMISOM ee dalka Kenya ayaa waxaa ay diyaaradaha Kenya waxaa ay duqayn ku laayeen dad shacab ah iyo xool iyagoo dadki shacabka ah ay ka barakeen deegaanadooda.
A/cawaale
Halgan.net