Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageertay Mowqifka dowladda Sacuudiga ka qaadatay Iran
January 4, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareyey weerarkii shalay loo geystay safaaradda dalka Sucuudiga ee taa magaalada Tehran iyo weliba dhismaha qunsuliyadda dalka Sucuudiga ee magaalada Mash-had ee dalka Iran.
War murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in weerarka loo geystay safaaradda dalka Sucuudiga ee Tehran ay tahay xadgudub agu jabiyey heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadkii 1961-kii lagu gaaray magaalada Vienna, heshiiskaas oo ahaa in la ilaalada xarumaha iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed.
Dhinac kale War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka dowladda Sucuudiga iyadoo dowladda Soomaaliya ay taageertay dagaalka ay boqortooyada Sucuudiga ay kula jirto argagixisada, iyo cid walba oo wax u dhimaysa amnigeeda.
Hoos ka akhri War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya no images were found
A/cawaale
Halgan.net