Imtixaankii Jaamacada Bariga Africa faraceed Buuhoodle oo bilaawday.[Masawiro/Video]
January 9, 2016 - Written by EditorBuuhoodle:-Imtixaankii Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle ayaa ka Bilaamay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle Waxaana imtixaankan uu ahaa Simistarka Qaybtiisa Hore ee Sanadka. Ardayda Imtixaanka u Fadhiisatay oo Tiro ahaan Gaadhay ku dhowaad 200 oo arday ayaa kala dhigta Kuliyadaha Kala Duwan ee Jaamacada Bariga Afriga Qaybteeda Buuhoodle. Maamulka Jaamacada, Macalimiinta, Ardayda iyo Waalidiinta ayaa Dhamaan si isku mid ah usoo Dhoweeyey Bilaabashada Imtixaanka Jaamacada Waxaana la Arkayey Ardayda oo ku Mashquulsan ka shaqaynta Imtixaanka.
Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle ayaa tan iyo markii laga hirgaliey magaalada Buuhoodle waxay Deegaanka ku soo kordhisay horumar waxbarashada Saayid ah Waxaana dhowan ka Qalin Jabisay Dufcadii ugu Horaysay.
Hormuudka Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle Pro Cabdishaafi Axmed Cali ayaa Deegaanka kusoo Kordhiyey Arrin ku Dayasho Mudan Waxaana Maanta Laga Wada dharagsan yahay Heerka Wax Barasho ee Jaamacada uu Maamulka ka yahay.
Dhinac kale Qaar ka mid ah Qurba Joogta Deegaanka Gobolka Cayn ayaa Booqasho ku tagay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee Buuhoodle halkaas oo si toos ah uu uga socday Imtixaanka Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle.
Maamulka Jaamacada oo uu ugu Horeeyo Prof.Cabdishaafi Axmed Cali ayaa xubnahan Qurba joogta ah ku soo dhoweeyey Jaamacadda waxaana Qurba Joogtaani si weyn u soo dhoweeyeen horumarka waxbarashada ee Jaamacadda ku talaabsatay Mudadii ay jiray ee Gobolka Cayn ay ka hawl galaysay. no images were found
Hoos ka Daawo Imtixaankii Jaamacada Bariga Africa faraceed Buuhoodle oo bilaawday
Mowliid Ismail Diged
Laascaanood,Somalia