Khadiibkii Masjidka Jaamica Baydhabo Maxamed Caddaw Hilowle oo xalay lagu dilay Baydhabo
January 11, 2016 - Written by EditorBaydhabo:-Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe koox hubaysan ay ku dileen magaalada Baydhabo Ustaad Maxamed Caddaw Hilowle, oo ahaa Khadiibkii masjidka Jaamica Baydhabo. waxaan kooxda dishay Allaha u naxariistee Ustaad Maxamed Caddaw Hilowle ay ugu dhaceen gurigiisa ka dibna waxa ay dhaawac u geysteen labo gabdhood oo uu dhalay.
Ustaad Maxamed Caddaw Hilowle waxaa uu ahaa ardaydii ka baxay dugsigii sare ee Machadka Imaam Almarwazi ee magaalada Muqdisho, ka dibna waxaa uu waxbarasho u aaday dalka Yemen wuxuuna ahaa Allaha u naxariistee Maamulaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Al-ceyn iyo weliba Hormuudka Kuliyadda Daraasaadka ee Jaamacadda Ganaanay ee Baydhabo.
Ustaad Maxamed Caddaw Hilowle ayaa ahaa shaqsi naxariis badan oo afgaaban dadkuna ay aad u jeclaayeen , ilaa hadda lama oga cida dishay haybtood balse waxaa aysan qarsoomi doonin maalinta qof walba uu Alle hortaagan yahay, Ustaad Maxamed Caddaw Hilowle waxaan Alle uga baryeynaa in Allaha qabrigiisa u nuuriyo, kooxdii dishayna in Alle aduunka uu ku fadeexeeyo.
A/cawaale
Halgan.net