Khudbadii Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe uu ka jeediyey shirka IGAD uu ku sheegay in Afrika la gumaysto.[Daawo]
January 31, 2016 - Written by EditorAddis:-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa Khudbadii uu ka jeediyey shirkii 26aad oo ay iskugu yimaadaan Madaxda Midowga Afrika waxaa ay yeelatay xiiso badan ka dib markii uu ka hadlay qadiyada Falastiin isagoo su’aalo u jeediyey madaxda Afrika goorta ay dhagaysan doonaa codka shacabka Falastiin ee dhiban mar walbana madaxdoodu ay hadalo ka jeediyaan shirarka Afrika iyo caalmak bale aan la dhagaysan.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa yiri ” Goorma ayaan dhagaysan doonaa codsiga shacabka Falastiin oo mae walba madaxdoodu ay naga horjeediyaan khudbooyin iyo codsiyo murugo iyo caloolxumo ah.” Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga bedelo qaab dhismeedka Qaramada Midoobay iyo Maxkamada Caalamiga lana doonayo dalalka qaybta ka ah in ay isku awood noqdaan waxaan uu ku dooday in Afrika la gumaysto gumaysi gaasna uu yahay mid qaab qarsoon ah loona adeegsado Hay’addo.
Hoos ka Daawo khudbadii Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe uu ka jeediyey shirkii Madaxda Afrika
A/cawaale
Halgan.net