Madaxweynaha DFS oo magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir.
January 25, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo saarey xeer uu ku magacaabayo Mudane Ismaaciil Macallin Cabdi Guure oo noqonaya Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maali yadda. Xeerkan cusub ayaa Madaxweynaha waxaa uu soo saarey markii uu garowsadey baahida loo qabo in la magacaabo mas’uul xilkan qabta. Mudane Ismaaciil Macallin Cabdi Guure ayaa horey uga mid ahaa ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir.
——- DHAMMAAD——
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya