Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu laabtay Muqdisho
January 9, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, ka dib socdaal shaqo oo dhowr maalmood uu ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Boosaaso waxaa uu ka qeyb galay munaasab balaaran oo xariga looga jarayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyey.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu maamuusay sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay xiligii la doortay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taas oo ku beegneeyd 8-da bisha Jannaayo.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Boosaaso wuxuu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo qaybaha bulshada ku nool Boosaaso, isaga oo ku amaanay dadaalka iyo horumrka ka socda Puntland wuxuuna si gaara ugu amaanay amniga ka jira Puntland.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.
A/Cawale
Halgan.net