Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdigii la socday oo ka soo duulay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
January 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa mudo labo maalmo ah ku sugaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa saaka ka soo dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili shalay uu u gacan diiday Go’aan ay soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalmaka una aadan qaabka ay u dhacayso doorashada 2016.
Wafdiga Madaxweynaha Gaas ayaa shalay lagu qancin waayey in uu aqbalo go’aanka soo baxay isagoo ku adkeystay in uusan aqbalaynin 4.5 in lagu soo xulo aqalka hooska iyo in aqalka sare lagu soo xulo maamul gobolleedyo.
Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa ka socda qabanqaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweyne Gaas oo saacadaha soo socda ka soo degi doono garoonka caalamiga ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankii laga soo saaray shirkii lagu soo afmeeray Muqdisho waxaan lagu taageerayaa mowqifka uu qaatay madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas iyo wafdigii la socday.
Dhanka kale waxaa isla saaka ku soolaabtay magaalada Muqdsho Madaxweynay dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka soo qayb galay aas baroordiiq loogu samaynyay ciidanka AMISOM ee dalka Kenya oo ay iidanka Al-shabaab ku laayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
A/cawaale
Halgan.net