Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoob oo lagu soo dhaweeyey degmada Cadaado
January 6, 2016 - Written by EditorCadaado:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gaaray degmada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Gal- Mudug. Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee degmada Cadaado Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug ,wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Gal-Mudug.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo a hadlay saxaafadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu booqasho ku yimado degmada Cadaado oo hadda xarun KMG ah u ah Gal-Mudug waxaan uu mahad u celiyey masuuliyiinta maamulka Gal-Mudug iyo dadweynaha soo dhaweeyey.
Socdaalka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ah kii ugu horeeyey ee ku gaaro degmada Cadaado ilaa iyo intii la dhisay maamulka Gal-Mudug ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdkariim Xuseen Guuleed.
Dhinac kale waxaa la filayaa in wafdiga Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu uga sii gudbo degmada Cadaado magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo ay maanta ka dhici doonto xaflad weyn oo xariga looga jarayo garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
A/cawaale
Halgan.net