Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kula kulmay wakiilada Beesha caalamka.[Masawiro]
January 24, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee isugu jirey xubnaha labada gole ee Dawladda iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa soo gaadhey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiiro iyo wakiilo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee Dawladda Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.
Maalmaha Soosocda yaa magaalada Muqdisho waxa ka furmi doona shirar looga hadlayo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka, kuwaas oo la doonayao in lagu jaan-gooyoo nooca doorasho ee dalka kadhici doonta bilaha August iyo September ee Sannadkan.
no images were found
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND