Mu’ssasada Al-minhaaj ee Gobolka Nugaal oo wacdi u jeediyey maxaabiista ku xiran Jeelka weyn ee Garoowe.[Masawiro]
January 5, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Mu’ssasada Al-minhaaj xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo mudooyinkii danbe waday olole ay u wacyi gelinayso guud ahaan bulshada ugna digayso khataro badan ayaa maantay wacdi u soo jeedisay Saraakiil ciidan , Askarta Xabsiga iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Ma ahan kulankaani kii ugu horeeyay balse waxaa marar badan oo dhowr ah booqday maxaabiista ku xiray xabsiga weyn ee magaalada Garowe Culimado ay hogaami nayso Mu’ssasada Al-minhaaj waxaana loogu deeqay hadda ka hor qalabka farsamada gacanta , Kitaabo ay ka bartaan Diinta Islaamka iyo Agab kale.
Waxaana saakay muxaadaro ka hadlaysa mas’uuliyada saaran askarta halkaas ka soo jeediyey Sh.Maxamed Axmed Faarax(Dabiixi) waxaana Sheekhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in askarigu dareemo xilka ka saaran bulshadiisa iyo diintiisa.
Sheekha ayaa intaas ka dib la hadlay maxaabiistii ku xirnayd jeelka isagoo u dardaarmay in aysan ku noqon wixii xumaa ee loo soo xiray islamarkaana aysan inta balwada iska daysay aysan dib ugu laaban Cunida iyo Cabida Maandooriyaha.
Ugu danbayntii waxaa maamulka Xabsigu uga mahad celiyay Muxaadaraadkaan Qiimaha badan oo Mu’ssasada Al-minhaaj ay soo gaarsiisay Maxaabiista iyo Askarta Asluubta.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Xafiska Warbaahinta Mu’Asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia