Shirka wadatashig qaranka Soomaaliyeed oo maanta ka furmaya Kismaayo
January 14, 2016 - Written by EditorShirka madasha wadatashiga qaranka Soomaalida ayaa la filayaa inuu goor dhow oo maanta ah ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana shirka furi doona Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey .
Shirka wadatashiga Soomaaliyeed ee lagu wado in uu maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha DFS Kismaayo maamul-goboleedyada Galmudug ,Puntland ,J/land Koonfurgalbeed Soomaaliya iyo Madaxweynaha DFS ,beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo badan.
Shirka madasha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu go’aamiyo habka ugu habboon ee loo marayo doorashooyinka la rajeynayo inay ka dhacdo Soomaaliya waxaana miiska saaran 4.5 iyo in qaab deegaan wax lagu soo doorto.
Cabdi Yare
Kismaayo