Shirkii Kismaayo oo dib u dhac uu ku yimid iyo Madaxweynaha DFS oo beri laga sugayo Kismaayo
January 11, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaray magaaada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shirkii madasha wada tashiga qaranka ee lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Kismaayo uu ku yimid dib u dhacay ka dib markii madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu saaka ku imaan lahaa Kismaayo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Kismaayo maalinta beri ah ka dibna waxaa si rasmi ah u furmi doona shirka.
magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan wufuud badan oo ka tirsan beesha caalamka iyo dhamaan madaxda maamul gobolleedyada ka jira dalka waxaan hadda u socda shir gooni gooni ah iyo wada tashiyo.
Ilaa hadda lama saadaalin karo wax ka soo bixi doona shirka balse dadka odorosa siyaasada soomaaliya waxaa ay rumaysan yihiin in madaxda Soomaalida aysan waxba gacanta ugu jirin ee dalalka dariska iyo beesha caalamku ay iyagu leeyihiin go’aanka ugu danbeeyey ee ka soo bixi kara shirka Kismaayo.
A/cawaale
Halgan.net