Somaliland nama khuseyso go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha (Dhageyso)
January 29, 2016 - Written by EditorHargeysa:-Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn Somaliland.Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.
Wareysi uu siiyey VOA, ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Soomaalida ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor”.
Falastin Axmed Iiman ayaa khadka taleefonka ee Hargeysa ku wareysatay Cali Maxamed Warancadde.
Somaliland: Go’aanka Madasha Nama Quseeyo.
VOA Somalia
Halgan.net