Wararkii ugu danbeeyey weerarkii xalay lagu qaaday Makhaayada Liido Sea Food.[Masawiro/Video]
January 22, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen weerarkii xalay lagu qaaday 2 makhaayadood oo ku yaal xeebta Liido ee magaalaa Muqdisho xili ay dadweynuhu ku cawey nayeen. Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay baar wax laga cuno oo la yiraahdo Liido Sea Food waxaan weerar ku qaaday ugu yaraan 5 dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab,weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 15 qof oo rayid ah oo ku sugaa makhaayada la weeraray.
Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in weerarkii xalay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Liido Sea Food iyo Beach Cafe la soo gabagabeeyey ciidankuna ay gacanta ku hayaan xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab oo weerarka hogaaminayey.
Weerarka xalay ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Agaasimaha bariga iyo bartamaha Tv-ga Somali Cable Wariye iyo BBC-da Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur.
Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyay weerarkaas xalay ay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Makhaayadda Liido Sea Food iyo Beach Cafe.
no images were found
Hoos ka eeg Muuqaal laga soo duubay weerarkii xalay lagu qaaday Makhaayaddaha Liido Sea Food iyo Beach Cafe.
Source:Masawirada:AFP/EPA/AP