Wariye Xuseen Xassan Cade oo koox afka duubtay ay dhaawac ugu geysteen Buuhoodle.[Video]
January 9, 2016 - Written by EditorBuuhoodle:-Wariye Xuseen Xasan Cade oo ka howl gala warbaahinta deegaanada Buuhoodle ayaa la soo gaadhsiiyey dhaaawiciisa Cusbitaalka Al-Manhal ee magaalada Laascaanood. Wariyaha oo habeen hore jir dil loogu gaystay gudaha magaalada Buuhoodle ayaa la hadlay warbaahinta , isaga sheegay in koox aanu garanayn haybtooda ay jir dil iyo dhaawac u gaysteen.
Dhinaca kale Hooyada Wariyahan oo Cusbitaalka kula sugnayd ayaa nooga warantay dhibaatada gaadhay inankeeda iyada oo ugu baaqday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada la gaadhsiiyey inankeeda.
Mowliid Ismail Diged
Lascaanood,Somaia