Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom oo gaaray Kismaayo
January 10, 2016 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom uu gaaray magaalada Kismaayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey madaxada Maamulka J/land waxaana wasiirku uu ka qeyb gali doonaa shir wadatashiga hanaanka doorashada ee 2016 kaas oo maalinta birito ah ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Waxaa sidoo kale saaka soo gaaray magaalada Kismaayo wafdi ka socda IGAD iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxaa uu kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo