Wasiirka Cadaaladda, arrimaha diinta Puntland Shiico dalka Soomaaliya wax kuma leh.[Dhagayso]
January 15, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta dowadda Puntland Saalax Xabiib oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dowladda Puntland ay taageersan tahay in xiriirka loo jaro dowladda Iran. Wasiirka cadaalada oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa sheegay dowladda Puntland ay taageersan tahay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Iran.
Wasiirka Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta dowladda Puntland ayaa yiri “Wixii arrimaha diinta ku saabsan waxaa masuul ka ah Wasiirka Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland dalka Soomaaliya waa Suni meel ay Shiico naga soo gasho ma jirto.”
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/wasirka%20cadaalada.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net