Wasiirkii hore ee Maaliyada PL Faarax Cali Shire oo ka horyimid natiijadii Shirkii wadatashiga ee Muqdisho.[Dhagayso]
January 30, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirkii hore ee Maaliyada dowladda Puntland Faarax Cali Shire ayaa taageeray mawqifka uu ka qaatay shirkii wadatashi ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ee Madaxda dowladda Federaalka ay ku jaan goyeen in doorashada danbe dalka lagu soo xulo golaha wakiilada 4.5.
Wasiirkii hore ee Maaliyada dowladda Puntland Faarax Cali Shire ayaa sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay nidaam aan la qaadan karin loona baahan yahay in madaxda Soomaaliyeed ay tixgeliyaan Dastuurka dalka Soomaaliya u yaal.
Hoos ka Dhagayso Wasiirkii hore ee Maaliyada dowladda Puntland Faarax Cali Shire
[audio: http://idilnews.com/wp-content/uploads/2016/01/w.maaliyada.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net