Culimo Socdaal dacwo ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoos (Masawiro)

September 8, 2016 - Written by Editor

img-20160908-wa0039Kismaayo:-Waxaa dhamaadkii Bishii 7aad Ee Sanadkan Booqasho Dacwadeed Ku Tagay Magaalada Kismaayo Wafdi Culima ah Oo Ka koobnaa Afar Sheekh oo Kala Ahaa.

1. Sheekh Cabdisalaam Cusmaan Cabdisalaam
2. Sheekh Maxamed CabdiCasiis Ducaale
3. Sheekh Cabdinuur Maxamed Khaliif
4. Sheekh Maxamed aadan Cabdille

Wafdiga Markay Joogeen 3 Usbuuc Waxaa Ku Soo Biiray Diktoor Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Cabdullaahi Baarakallah Oo Ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Daybah Ee Sacuudiga.

Wafdiga Culimada Oo Qaar Ka mid ah Ku Sugnaa Magaalada In Ka Badan Bil Ayaa waxay Sameeyeen Nashaadaad Kala duwan

1. Muxaadaraad Masaajida iyo Xarumaha Waxbarashada Sida Iskuulada, Dugsiyada Qur,aanka, Macaahida
2. Khudbooyin Jimcada iyo Tacliiqooda
3. Kulamo Ducaada Iyo Macalimiinta
4. Kulamo odayaasha Dhaqanka
5.Kulamo Ganacsatada Magaalada
6.Booqashooyin Xarumaha Waxbarashada
7. Barnaamijyo ay Ka Galeen Telefeshinka Jubbaland.

Culimada Oo Ku Salaysneed Booqashadooda U Kuurgelida Dacwada Kismaayo, Abaabulka iyo isku Xirka Ducaada, Booqashada Xarumaha Tacliimta Iyo Dacwada, Wacyigelinta Bulshada, Allah Fadligii Dhamaan Shaqooyinkaa Iyo Kuwo Kalaba Waa ay Wada hirgeleen.

Waxaa ay Galeen Culimada Muxaadaraad Iyo Khudbooyin Wax Ka badam 30, Ayagoo intaa Oo Kale oo Kulama Ahna La Yeeshay Akhayaarta Magaalada, Waxaana ay Culimada Kala Kulmeen Dad Waynaha Reer Kismaayo Soo Dhawayn Iyo Dhagaysi Wanaagsan.

Waxayna Culimada Xooga Ay Saarayeen Walaaleenta Ummada, Ka shaqaynta Dacwada, kor U Qaadida Aqoonta Bulshada, Kala Dagaalanka Bulshada Waxyaabaha Liita Ee Hoos u Dhigaaya

Waxaa Kaloo Qayb Ka Ahaa Olalaha Culimada Ee Kismaayo Muxaadaraad Gaar Ah oo Loo Qabtay Dumarka, Muxaadaraadkaa Oo Ka Dhacay Markazka Dumarka Ee Khadiijo Bin Khuwaylid Ee Kismaayo Oo ah Markaz Wayn Oo Dumarka U Gaar ah.

Ugu Danbaystii Culimada Waxay Soo Gabagabeeyeen Booqashadoodii Ay Ku Joogeen Kismaayo Iyo wacyigelintii Dhamaadkii Bishii dhamaatay ee Sideedaad Agoosto, Halkaa oo Ay Dadwaynaha Reer Kismaayo Ay Ku Sii Sogootiyeen Culimada Ayagoo Codsina U Gudbiyay Ahaa in Safardan Dacwiga ah Culimada Ay ku Badiyaan Kismaayo Maadaama Ay Faa,Iidooyin Badan ay leeyihiin.

Arainkaa oo Culimada Ay aoo dhaweeyeen, Waxayna u Balanqaadeen Reer Kismaayo In Ay Booqasho Ku Imaan Doonaan Culimada Waawayn ee Soomaalida Qaarkood Insha allah.

HALGAN.NET
KISMAAYO

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online