Dufacaddii 2aad oo ka qalin jabisay Jaamacadda Imam Ee Muqdisho (Masawiro)

September 2, 2016 - Written by Editor

DSCN5557Muqdisho:-Jaamacadda Imam oo ka mid ah Jaamacadaha Tayada leh kana muuqda waxbarashada sare ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku qabatay Magaalada Muqdisho xafladda Qalin-jabinta Dufacadii 2aad ee dhameysatay waxbarashada jaamacadda heerkeeda 1aad.

Xafladdan oo si Heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa lagu qabtay Beerta Nabada, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, Jaamacado, Shirkado, Hay’adaha samafalka, Waalidiin, Maamulka, Macallimiinta iyo ardada Jaamacadda Imam iyo sidoo kale warbaahinta.

Ardada ka qalin jabisay Jaamacadda Qaar kamid ah ayaa waxa ay ku soo bandhigeen xafladda awoodooda aqooneed iyaga oo soo jeediyay kalmado iyo Gabayo ku baxaya luqadaha kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Imam Dr. Hassan Albasri Sh. Abdikadir oo xafladda ka hadlay ayaa waxa uu hambalyo u diray Ardada qalinn jabineysa isaga oo sheegay in Jaamacadda Imam u taagan tahay ka tarjumidda magaceeda oo looga fadhiyo ardada qalin jabisay in ay Imam ku noqdaan waxa ay barteed, Bulshadana wax u qabtaan kana dhex muuqdaan.

Sh. Bashiir Ahmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xafladda ka hadlay ayaa dhiniciisa sheegay in ardada dhameysatay waxbarashada looga baahan yahay in mas’uuliydooda ka soo baxaan, islamarkaana cilmiga ay barteen umadda ku anfacaan, sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Ha’yadda Hormuud foundation ayaa u hambalyeeyay ardada aadna ugu amaanay aqoonta ay soo bandhigeen isagoo u rajeeyay in ay horay u socdaan, sidoo kale Sh. Ahmed Muse oo ka socday Hay’adda Hormarinta Bulshada ayaa sheegay in ay tahay qalin jabintan Hormar wayn oo qeyb ka ah Hormarinta Bulshadeena, Jaamacaddana ay ku aamanan tahay Hawshaas.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Mr. Ismacil Yusuf Cusman ayaa soo xiray xafladda isagoo ku amaanay Jaamacadda Imam Doorka ay ka qaadanayso waxbaridda dhallinyaradda iyo dadaalka Maamulka iyo macallimiinta, isagoo sheegay in wasaaradda iyo dawladaba ay qaadanayso doorka ugu aadan hawsha ay wado Jaamacadda Imam iyo ardada Qalin-jabineysa.

Ugu danbeyn waxaa halkaas abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyay ardada kaalimaha sare gashay, kadibna ardada damaashaad iyo dalxiis ay ku Qaateen Beerta Nabadda saacado Badan, iyaga oo laga dheehanayo farxadoodu ku aadan Hormarka uu Allah SW u xaqiijiyay.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online