Gal-Mudug oo Magdhow ka Dalbatay Mareykanka
September 29, 2016 - Written by EditorCadaado:-Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka sheegay in weerarkii Mareykanku ka fuliyey gobolka Mudug ee lala beegsaday ciidankoodu uu khalad ahaa. Madaxweyne ku xigeeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo VOA wareysi siiyay ayaa sheegay inay dalbanayaan magdhow iyo jawaab cad oo uu Maraykanka arrintaasi ka bixiyo.
Waxa sidoo kale sheegay inay iyaga iyo Maraykanku ka wada hadleen arrintan, wuxuuna mar kale ku celiyay eedeyn uu maamulkiisu u soo jeediyay Puntland, oo uu ku eedeeyay inay weerarkaasi ku soo hoggaamisay.
Hoos ka Dhagayso Weriye Maxamed Colaad oo wareystay madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug.
[audio: http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/09/29/25db1c8d-0f9c-4c2e-855a-d1221ed76a4b.mp3]
Source VOA