Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Gaas oo kormeeray goobihii qarax uu ka dhacay ee magaalada Gaalkacyo.[Cod/Masawiro]

September 3, 2016 - Written by Editor

IMG_4892Gaalkacyo:-Madaxweynha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maal mihii ugu dambeeyey safaro shaqo ugu maqnaa waddamada Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xidhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiisha kala duwan ee ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo  Madaxdii kale ee Garoonka kusoo dhoweysey ayaa waxa ay si toos ah ugu  gudbeen isla markaana soo kormeereen suuqqa xero dayax, xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo uu dhowaan ka dhacay qarax is miidaamin ah oo kooxda sharwadayaasha al-shabaab ay la beegsadeen dad shacab ah oo ku ganacsanayey suuqaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu soo booqday Cusbitalka GMC, halkaas oo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay suuqa xero dayax isla markaana Madaxweynuhu waxa  uu mid mid u waraystay dadkii wax-yeelladu kasoo gaadhey weerarkaasi bahalnimo.

Dhinacakale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markii uu soo gaadhey hoyga uu ka deggan yahay magaalada Gaalkacyo waxa uu ka war-bixiyey safaradiisii shaqo ee uu ugu maqnaa waddamada Itoobiyada, Turkiga iyo Jabuuti isagoona sheegay in safarradaasi ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa isagoo faah-faahin dheeraad ah ka bixinaya socdaalkiisa waxa uu tibaaxay  in ujeedka socdaalkiisu  uu salka ku hayey kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, horumarinta Ganacsiga Puntland iyo xoojinta xiriirada ay dawladda Puntland la leedahay waddamada Soomaaliya daneeya.

Ugu dambayn Madaxweyna dawladda Puntland ayaa ka jawaabey hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamayey in ay Puntland ka kooban tahay labo gobol iyo bar, hadalkaas ayuu  Madaxweynaha dawladda Puntland ku tilmaamay mid aanu ka fiirsan Madaxweyne Xasan isla markaana uu muujinayo aqoon darrada ka haysata Madaxweynaha dawladda Federaalka guud ahaan gobollada  dalka Soomaaliya, gaar ahaana Puntland.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo la hadlay saxaafadda markii uu soo gaaray saaka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/09/madaxweynaha-dawlada-puntland.mp3″][/audio]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

“Hadalka Madaxweyne Xassan Sheekh uu idaacadaha ka yiri ee ah Puntland waa labo gobol iyo bar waxa uu muujinayaa aqoon yarida  ka haysata  dalka, Puntland hadalka  Xassan Sheekh ku yaraan mayso kuna weynaan mayso,  waxaana  lagu aas-aasay Puntland shan gobol iyo degmada Buuhoodle, maantana Puntland waa sagaal gobol”. ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

—–DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online