Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho Kula Kulmay Ku Simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya.[Masawiro]

September 6, 2016 - Written by Editor

IMG_5682Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay safar shaqo ku tagay magaalada Muqdisho ayaa maanta 06 September, 2016  kulan khaas ah la qaatay ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Qadar ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay wanaajinta xiriirka ka dhexeeya Dawladda Qadar iyo Dawladda Puntland iyo sidii ay Dawladda Qadar uga qayb qaadan lahayd mashruuca dayac tirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii kala duwanaa ee kooxaha sharwadayaasha ah ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo, qaraxyadaasi oo sidoo kale dhibaato xoogan gaarsiiyay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale waxaa uu Dawladda Qadar u jeediyay inay Dawladda Puntland ku gacan siiso dib u dhiska Cusbitaalka magaalada Gaalkacayo oo ay si weyn dhibaato ugu geysteen qaraxyadii Gaalkacayo ee ay soo maleegeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab, kuwasi oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaana ay ku buburtay hanti baaxad leh.

Hassan Bin Hamza Asad Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qaddar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac , sidoo kale wuxuu sheegay in Dawladda Qadar ay ka xuntahay dhibaatadii kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay, ku simaha Safiirka Qadar ee Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in Dawladda Qadar ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Gaalkacayo.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan wax ka qabashada iyo dib u habaynta hantidii khasaaruhu kasoo gaaray qaraxyadii Gaalkacayo, wuxuuna Madaxweynuhu diyariyay qorshe taabba gal ah oo ay xukuumaddiisu ku abbaarayso in si deg deg ah loo hagaajiyo goobihii kala duwanaa ee ku burburay qaraxyadii ay kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ka geysteen Magaalada Gaalkacayo.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online