Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gaaray magaalada Muqdisho

September 5, 2016 - Written by Editor

IMG_5444Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta 05 September, 2016 waxay safar shaqo ugu anba bexeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Aadan Cadde Airport ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana soo dhoweyntaasi ka qayb galay madax kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka qayb geli doona shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmi doona magaalada Muqdisho maalinta berri ah ee foodda inagu soo haysa, waxaana uu shirkaasi daba socdaa kulamadii hore ee ay madashu ku yeelatay Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo ayaa Muqdisho ku sugnaan doona maalmaha soo socda, wuxuuna Madaxweynuhu shirka Madasha ka jeedin doonaa khudbad muhiim ah oo tilmaamaysa sida ay markasta Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ugu diyaarsan yihiin dib u dhiska dalkeena Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online