Maxaa ka jira in shirkii Madaxda IGAD ee ka dhici lahaa Muqdisho la joojiyey ?

September 12, 2016 - Written by Editor

igad-plus_meeting_070815_200_134Muqdisho:-War qoraal ah oo ka soo baxay Xogheynta ururka IGAD laguna faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in la baajiyay shirkii madaxda IGAD ee ka dhici lahaa magaalada Muqdisho maalinta beri ah ee taariikhdu ku beegan tahay 13.September 2016.

Haddaba qoraalkaan markii uu soo baxay ayaa ilo xogogaal ah waxaa Halgan.net u sheegeen in warqaadaan ay soo baxday galabta balse wada hadalo dhacay ka dib la filayo in shirka madaxda IGAD uu maalinta beri ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho walow ay dhici karto in uu shirka ka baaqdo Madaxweynaha Sudan Cumar Al-bashiir.

Ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaa hadda ka hadlay warqadaan run iyo been wax ay tahay lana sheegayo in ay ka soo baxday IGAD iyo bal in wax iska bedel ah uu ku dhacay shirka madaxda IGAD uga furmi lahaa beri magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso  qoraalka la sheegay in uu ka soo baxay  IGAD


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online