Ogeysiis Muhiima Machadka Zaylaci Academy oo ay bilaabeen Dufcadii Labaad
September 7, 2016 - Written by EditorDenmark:-Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 07.09.2016 bilaabmay Zaylaci Academy iskoolkii labada sano dufcadiisii labaad. Dufacadan labaad waxaa isku qortay arday gaadhaysa 100 qof, kuwaasoo dagan wadamada Iskandineefiyaanka Danmark, Norway, Sweden.
Iskoolka labada sano baa ah Machad ay furtay Zaylaci Academy, machadkaasoo ka kooban qayb Talaqi ah iyo qayb Online.
Ardayda wax ka dhigataa waxay isugu jiraan wiilal iyo gabdho, waxayna kuligood ka wada simanyihiin jacaylka barashada cilmiga sharciga.
Iskoolka labada sano waxay ardaydu ku daraasayn doonaan maadooyin badan oo kala duwan sida Luqah, Fiqh, Xadiith, Caqiidah, Usul iwm.
Macalimiinta iyo shuyuukhda wax ka dhigi doonta waxaa weeye qayb ka mid ah culimada soomaalida ee caanka ah. Waxaa Macalimiinta ka mid ah Sheekh Dr. Haaruun, Sheekh Dr. Cali Saalax, Sheekh Dr. Cabdinuur , Dr Cabdiwali iyo in kaloo badan.
Caawa waxaa si rasmi ah u bilaabmay darsigii ugu horaysa ee uu dhigayey Sheekh Dr. Haaruun.
Ardaydu waxay wadi doontaa iskoolka labada sanee soo socda In’sha Allah, ayagoo marba mari doona mustawe ilaa ay ka gaadhaan Imtaxaanka sanadka 2018.
no images were found
Wixii faahfaahin ah kala soco Zaylaciacademy.com iyo Facebook: Zaylaci Academy.
Maamulka Zaylaci Academy.
Halgan.net