Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid oo laga sugayo Garoowe
September 20, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta waxaa laga sugayaa in uu booqasho ku yimaado magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maalmihii danbe la hadal hayey in ay yimaadaan magaalada Garoowe si ay kulamo ula qaataan Madaxda Puntland kulamadaas oo salka u haysa loolanka siyaasadeed ee Madaxnmada dalka Soomaaliya oo dhawaan a dhici doonta Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa safariisa waxaa uu hordhac u yahay loolalka doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in ay ka bilaabaan gobollada dalka gaar ahaan Puntland oo la filayo uu soo dhawaan soo gaaro Madaxweynaha dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo uu dhamaaday waqtigii loo doortay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa la filayaa in ay socdaal ku gaaraan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyagoo kulan gaar ah la qaadan doona Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada ugu waaweyn ee Puntand.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net