Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid oo laga sugayo Qardho

September 21, 2016 - Written by Editor

img_7871Qardho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maalinti shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa saaka la filayaa in safar ku gaaro magaalada Dhaqan ee Qardho ee xaruta Gobolka Karkaar. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa safarkiisa waxaa uu ku soo mari doono deegaano ay ka mid tahay degmada Dangroyo ee Gobolka Nugaal isagoo uga siii gudbi doono magaalada Qardho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake  ayaa waxaa uu  marka uu gaaro magaalada Qardho uu kulan la yeelan doona Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Issimo kale sagoo kala hadli doono soo xulista xubnaha ka mid noqon doona Xildhibaanada Aqal hoose iyo kan sare.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake  ayaa waxa uu ka bilaabay deegaanada Puntland Ololihiisa doorashada isagoo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynanimada dowladda Federaalka Soomaaliya oo la filayo bisha Octobar in ay ka dhacdo gudaha Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online