Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Gaas ka qeyb galay (Masawiro)

September 6, 2016 - Written by Editor

IMG_5870Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 September, 2016 waxaa uu ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya, kulankaas oo ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorshe howleedyada lagu diyarinayo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016, waxaana la isla qaatay in ay muhiim tahay doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016, taasi oo lagu gelayo qorshayaasha ay madashu ka wada tashatay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay si adag ugu diyaar garoobeen inay dalka ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada mar kale doorashada Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online