Shirka Madaxeedka IGAD ee ka furmay magaalada Muqdisho.[Masawiro]
September 13, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa dhawaan waxaa uu furay shirki Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ilaa intii ururka IGAD tan iyo markiii ururkan IGAD la Yagleelay 1986-kii.
Shir madaxeedkan ururka IGAD ee saaka ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo wakiil ka socda South Sudan, halka Madaxweyanayaasha dalalka Jabuuti iyo Suudaan ay ka maqan yihiin shirka.
no images were found
Shir 28aad ee madaxeedkan ururka IGAD ayaa waxaa looga hadli doono arrimaha amninga gaar ahaan xaalada dalka Soomaaliya iyo weliba colaada ka aloosan Koonfuurta Suudaan, iyo weliba xiriirka is kaashiga ee ka dhexeeya wadamada ku bahoobay ururka IGAD.
A/cawaale
Halgan.net