Wafdi ka socda dowlada federaalka iyo Urur goboleedka IGAD oo gaaray Jowhar
September 7, 2016 - Written by EditorJowhar:-Wafdi ka socdo wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.
Wufuuda ka socota Urur goboleedka IGAD iyo wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda waxaa lagu sheegay sidii ay u dardar-galin alahaayeen sameynta Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Socdaalka wafdiga wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo aaday xili uu shalay sheegay Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdrashiid Cali “Sharmaarke”in go’aanka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga soo saari doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda maalintii labaad magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net