Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho
September 13, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo si ay uga qayb galaan shir Madaxeedka ururka IGAD oo manta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha dalka Keynta Uhuru Kenyatta ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan 3 gole ee ay ka kooban tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horaysay 1986 waxaa ay kulankooda ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ilaa intii la yagleelay ururka IGAD oo ay soomaaliya mar ka ahaan jirtay Madax.
Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa kale oo soo gaaray ra’’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle,iyo wasiirada arrimaha dibada ee dalka IGAD oo iyagu ka soo horeeyey Madaxweynahyaasha dalka ku bahoobay ururka IGAD.
Shirka urur Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay ka qayb galaan madaxda dalalka , Kenya, Jabuuti, Uganda, Ethiopia, iyo Koonfur Sudan halka Madaxweynaha dalka Sudan la sheegayo in uu ka baaqday shirka.
A/cawaale
Halgan.net