Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

September 13, 2016 - Written by Editor

14263966_1786179101619886_4159269293565401733_nMuqdisho:-Waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  iyo wafdi uu hogaaminayo si ay uga qayb galaan shir Madaxeedka ururka IGAD oo manta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha dalka Keynta Uhuru Kenyatta ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan 3 gole ee ay ka kooban tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horaysay 1986 waxaa ay kulankooda ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ilaa intii la yagleelay ururka IGAD oo ay soomaaliya mar ka ahaan jirtay Madax.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa kale oo soo gaaray ra’’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle,iyo wasiirada arrimaha dibada ee dalka IGAD oo iyagu ka soo horeeyey Madaxweynahyaasha dalka ku bahoobay ururka IGAD.
Shirka urur Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay ka qayb galaan madaxda  dalalka , Kenya, Jabuuti, Uganda, Ethiopia, iyo Koonfur Sudan halka Madaxweynaha dalka Sudan la sheegayo in uu ka baaqday shirka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online