Wasiirka Deggaanka Puntland oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Jaaliyadda Puntland ee Leicester, UK.[Masawiro]

September 9, 2016 - Written by Editor

14237746_1024204914367625_7134696449773355298_nLeicester:-Wasiirka Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Puntland, Dr Cali Cabdullahi Warsame, oo ku sugnaa magaalada Leicester ayaa kulan soo dhaweyn, xog wareysi iyo wada shaqeynba isugu jira la yeeshay qaar ka mid ah Jaaliyadda Reer Puntland ee ku nool Magaalada Leicester ee dalka UK. Kullamo kan ka horreeyay ayuu Wasiirku si guud ula yeeshay Jaaliyadda Reer Puntland.

Wasiirku wuxuu warbixin buuxda ka bixiyey xaaladaha kala duwan ee ka jira Punland iyo dowrka wacan ee ay ka qaataan qurb-joogtu horumarka dalka iyo hawlaha gurmadka oo iyagu si isdabajoog ah u dhaca waayahaan dambe.

Wasiirku wuxuu si qota dheer uga warbixiyey waxyeelladii qaraxa argagixisadu u geystey Isbitaalka Gaalkacyo iyo sida loogu baahan yahay in si dhaqso leh dib loogu dhiso isbitaalka. Warbixinta wasiirka ka dib, xubnaha Jaaliyaddu waxay wasiirka weydiiyeen su’aalo la xiriira nolosha dadka iyo xaaladda guud ee dalka ka jirta kuwaas oo uu Wasiirku jawaabo ka bixiyay.

Gabagabadii kulanka waxaa talo lagu soo jeediyay sidaan:-

  1. In Wasiirku si buuxda u hoggaamiyo hawsha lagu soo ururinayo wixii lacag iyo agab loo baahanyahay (fundraising) si dib loogu dhiso Isbitaalka Galkacyo. Wasiirkuna waa aqbalay hoggaaminta hawshaas.
  2. In Jaaliyaddu sii waddo dhaqaale ururinta iyo is-abaabulka guud ee la xiriira hawlaha horumarineed.
  3. In wadatashiga iyo dhaqaale ururinta (fundraising) noocan ahi uusan ku ekaan doonin Isbitaal Gaalkacyo ee la rabo inuu noqdo qaab hirgala kaas oo loo adeegsan karo markasta oo ay yimaaddaan xaalado gurmad amaba kuwa horumarineed ee muhiimka ah guud ahaan Puntland oo dhan.

Abdifatah Guure
Leicester, Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online