Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Sh.Axmed oo soo Xajiyey ayaa soo gaaray Boosaaso.[Masawiro]

September 27, 2016 - Written by Editor

3Boosaaso:-Wafdi ballaaran uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wafdiga Wasiir Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac,Xildhibaan Surcad iyo Xujeydii kale ee reer Puntland ee sanadkan xajka soo gudatay. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa Puntland kusoo noqday kadib markii uu soo dhameystay Xajika oo uu ka mid ahaa Sannadkan Muslimiinta Barakeysan soo gutaan.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Wasiirka iyo Wafdigiisa ,Saraakiisha sarsare ee Wasaarada Maaliyada, dekedaha, gobolka iyo marti sharaf kale. Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed oo ugu horeyn Saxaafada la hadlay ayaa ka mahad celiyey sida maqaamka sare leh ee loogu soo dhaweeyey Boosaaso. Waxa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo Puntland si weyn ugu soo duceeyey intii uu ku sugnaa dalka Sucuudiga ee Waajibaadka xajka kusoo gutay.

…””Ducooyinkayagii waxaan ku daraynay duco wadanka ah gaar ahaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ,waanuna Isu dardaarmeynay runtii oo dhab iyadoo naga ah “”ayuu yiri. Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka lagu wado in sanad kan ay dalka ka dhacaan,isagoona sheegay in cidii dalkan wax u qabaneysa ay bulshada kasoo baxayso.

Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ammaanay shaqadii ay dhawaan qabteen shaqaalaha furdada iyo ciidan ay kusoo qabteen baco laga mamuucay Puntland iyo alaabo la doonayey in cashuurta lagala baxsdo.

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso.Office

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online