Kulan Dhexmarey maanta Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Ganacsatada Warshadaha

October 5, 2020 - Written by Editor

Kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi,Guddoomiye kuxigeenka Bangiga ,Agaasimaha Guud ee Bangiga dhexe ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan khuburo ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa maanta ka dhacay xarunta Maaliyadda ee Garoowe.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii wax looga qaban lahaa sare u kaca ku yimid sarifka lacagaha. Khuburada ayaa kulanka kusoo bandhigay daraasad ku aadan waxyaabaha keenY sare u kaca ku yimid sarifka lacagaha qalaad.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Dowladda ayaa markii uu soo dhammaaday kulanka si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

Madaxda ayaa sheegay in Dowladdu ay wado dadaalo lagu xalinayo sicir bararka ka taagan suuqyadda Puntland, iyagoona intaas ku daray in dhowaan ay Dowladdu bilaabayso in sarifka lacagaha qalaad lagu sameeyo Bangiyadda Dowladda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online