Ciidamada Booliska Boosaaso oo qabtay Khamri fara badan.[Video/Masawiro]

May 18, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Subaxnimadii hore ee saaka waxaa Kaantaroolka magaalada Boosaaso ay Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Khamri la doonaayay in magalada Bosaaso si qarsoodi ah ay ku soo galiyaan askar balse ay ka hortageen Ciidanka Kaantaroolka markasta heegan ugu jira waxkasta oo Magaalada Bosaaso soo gala iyo kabaxa si loohubiyo.

Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin in ay ku jiraan dhalooyin Khamri ah ayaa Hubin ka dib waxa ay ciidamada ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan waxaana soconaaya Baaritaano Khamrigaas iyo cidii loo waday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxaana uu sheegay in ay kula xisaabtami doonaan ciidwalba oo ay khuseyso in Khamrigaan ay soo galiyaan magaalada Bosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online