Madaxweyne JFS oo mas’uuliyadda doorashada iyo amniga ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble.[Video]
May 1, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo oo saaka hor yimid Golaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilkiisu dhamaaday ayaa waxaa uu ka akhriyey khudbada dhinac yo badan taabanaysa gaar ahaa amniga caasimada , khilaaf doorashada iyo weilba heshiisyo la gaaray oo socon waayey.
Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa golaha shacabka ka codsaday in laga noqdo heshiiskii mudo kordhinta ee Golaha shacabka u sameeyey madaxweynaha iyo golayaasha dowladda dibna loogu laabto doorashadii dadbanayd ee 17 September ee ay kuwa heshiiyeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboledyada ka dibna ay ansixiyeeyn Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si rasmi ah waxaa uu u sheegay in Amniga Doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey in dalku laabto doorasho uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September, waxaana haa ugu codeysay 140 xildhibaan oo goob joog ahaa kulanka.
M_M_Deeq
Halgan.net